AKHRISO:- Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland & Sanoter fartaag oo gaaray Beled-Xaawo

0

Waxaa Maanta degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo muddo kadib gaaray Wasiirkii hore ee Amniga dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabinuur (Janan) iyo Sanoter Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ( Fartaag).

Mas’uuliyiintan ayaa waxaa degmada Beled-Xaawo kusoo dhaweeyay Saraakiil Ciidan iyo mas’uuliyiin kale, waxaana intaasi kaidb booqdeen Xerada Ciidamada UK ee degmada Beled-Xaawo.

Wasiir hore Cabdirashiid Janan oo Ciidamada dowladda kula hadlay Xerada UK ayaa sheegay in ay u yimaadeen sidii loo heli lahaa Jubbaland mideysan iyo sidii loo dardar gelin lahaa howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Magaalooyinka Gobolka Gedo ayaa waxaa Maanta siweyn looga dareemayaa Wafdiga Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland iyo Sanoter Fartaag, iyada oo ay xusid mudan tahay in dhawaan labadaan mas’uul ay siwyen uga soo horjeesteen muddo kordhintii loo sameeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.