AKHRISO:- Ciidamadda Huwanta Oo Qarka U Saaran Degmada Aadan Yabaal Kadib Markii….

0

Ciidamadda dowladda iyo maleeshiyaadla deegaanka ee Macwuusleey ayaa kaabiga ku haya degmada Aadan Yabaal oo ah saldhigga ugu weyn ee kooxda Shabaab ku leedahay gobolka Sh.Dhexe.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Ciidamo ay kala wataan Col. Saney Cabdulle, Cali Xuubey, Macawuusleey iyo Cutubyo ka tirsan Gorgor ay haatan ku sugan yihiin degaan lagu magacaabo Mabaax oo ah banaanka magaalada, sidoo kale Ciidamo uu horkacayo taliyaha dhulka Jeneral bixii oo ka baxay degmada Cadalle ayaa ku biiray howlgalka kuwaas oo fariisin ka dhigtay meel 4km u jirta degmad Aadan Yanaal.

Xaaladda ayaa kacsan maanta waxaana xusid mudan in la jaray Isgarsiintii magaalada sidoo kalana ay ka baxeen dhamaan Dadkii shacabka ahaa.

Saraakiisha Shabaan iyo inta badan ciidamadooda ayaa sidoo kale lagu soo waramayaan iney baneeyeen saldhigyadoodii, iyagoo hore usii qaatay Matooro waaweyn oo yaalay Aadan Yabaal.