AKHRISO:- Alshabaab Oo Guddoomiyaha Shabelaha Dhexe U Magacawday Yuusuf Kabakutukade

0

Ururka Alshabaab ayaa u magacawday guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise Kabakutukade,oo hore looga qaaay Waaliga gobolka Sh/dhexe.

Alshabaab ayaa xilkii ka qaaday Waaligii gobolka Sh/dhexe oo ka soo jeeday gobolada Bay iyo Bakool,iyadoo Alshabaab ay hore uga qaadeen xilka maamulka gobolka Sh/dhexe Sheekh Kabakutukade.

Dadka siyaasada u dhuundaloola ayaa aaminsan in magacaabista Kabakutukade ay tahay siyaasad cusub oo Alshabaab ku doonayaan inay ugaga hortagaan kacdoonka shacabka ee dagaalada kala soo horjeeda,maadaama Kabakutukade uu ka soo jeedo gobolkan Sh/dhexe.

Magacaabista Sheekh Kabakutukade ayaa imaanaysa xilli Alshabaab ay gacanteeda ka baxday inta badan deegaanadii ay ka maamulayeen gobolka Sh/dhexe.

Duqeyn loo geystey saldhigyo ay ku lahaayeen ururka Alshabaab gobolka Sh/dhexe ayaa waxaa ku dhintey dagaalamayaal badan oo ka tirsan Alshabaab kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Amiiro.Waxaa ka socda haatan gobolka Sh/dhexe dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay wadaan ciidamada dowlada iyo dadka deegaanka taasoo lagu doonayo in lagula wareego degmada Aadan Yabaal oo xarun weyn u ahayd Alshabaab sanadihii la soo dhaafay.Alshabaab oo guddoomiyaha Shabelaha Dhexe u magacawday Yuusuf Kabakutukade