AKHRISO:- Maamulka G/Hiiraan oo hay’adaha UN-Ka kala hadlay gurmad gaarsiinta degaannada laga saaray Al-Shabaab

0

Guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda iyo Siyaasadda gobolka Hiiraan Xasan Ibraahim Cabdulle oo ay wehliso Mayarka Magaalada Beledweyne Marwo Nadar Tabaax Maalin iyo Guddoomiye ku xigeenka Amniga siyaasadda Degmadda Beledweyne Guddoomiyaha Hay’adda qaxootiga Hir-Shabeelle Marwo Farxaan Cumar Carte, ayaa kulan wadajir ah la qaatay qaar kamid ah madaxda Hay’adaha UN-ka ee ku sugan degmadda Beledweyne .

Guddoomiye ku-xigeenka siyaasadda iyo Maaliyada Xasan Ibrahim Cabdulle ayaa la waadagay warbixino la xiriiro xaaladaha Gobolka Hiiraan Goobaha Al-Shabaab laga saray baahiyaha Bulsho Nolaleed ee kajiro midaas oo la xeriirto Hormarinta aadanaha Bulshada.

Duqa magaalada beledweyne marwo Nadar Tabaax maalin ayaa la wadaagtay howlaha hortabinta leh ee ka jiro magaalada beledweyne iyo saameynta xaaladaha Bulshada aay ku yeesheen dhacdooyinka iyo xaaladaha ka jiro magaalada iyo sidii loo hormarin lahaa adeegyada Aas-aasiga ah ee lagu hormarinayo kabaayaasha Hormarineed ee magaalada Beledweyne.

Guddoomiye ku-xigeenka siyaasadda iyo maaliyada Xasan Ibraahim Cabdulle ayaa xusay Ahmiyada aay leedahay in laga shaqeeyo Sidii loo Garab istaagi lahaa shacabka Gobolka Hiiraan loona hormarin lahaa kabaayasha Dhaqaale amni Iyo Bulsho ee aay u baahan yahiin.

Ugu dambeyn masuuliyiinta UN-ka ayaa uga mahadceliyay maamulka Gobolka Hiiraan Dadaaladooda Hormarineed ee la xeriira amniga Kobcinta, dhaqaalaha, iyo Tayeeynta adeegyada Bulshada midaas oo sare u qaadeeyso Dardargelinta iyo hormarinta adeegyada Bulshada ayagoo u balan qaaday in doorkooda ay kala Shaqeyn doonaan maamulka Gobolka Hiiraan .