AKHRISO:- Ciidanka Gorgor oo sheegay inay gubeen Gaari qarax siday

0

Saraakiisha Ciidamada Gorgor ee ku sugan degaanka Masaajid Cali Gaduud ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegay inay gubeen Gaari qarax ku rarnaa oo la rabay in lagu soo weeraro.

Waxaa ay sheegeen Saraakiisha inay ka warheleen xogta Gaari leyla Calaawi ah oo Al-Shabaab ay qaraxyo kasoo buuxiyeen, balse ay ka warheleen, isla markaana ay burburiyeen.

Dadka kunool degaanka Masaajid Cali Gaduud ayaa sheegay in saaka aroortii hore ay maqlayeen jugta Gaariga oo lagu gubay banaanka degaanka, gaar ahaan meel u dhow fariisinka Ciidamada Gorgor.

Degaanka Masaajid Cali Gaduud oo maalmo ka hor ay la wareegeen Ciidamada dowladda iyo dadka degaanka ayaa waxaa horay uga dhacay dagaalo xoogan, hayeeshee degaannada u dhow dhow waxaa weli ku sugan Xubno katirsan Al-Shabaab.