AKHRISO:- Tirada dadkii ku dhintay qaraxyadii ka dhacay Soobe oo kordhay

0

Waxaa sii kordhaya tirada dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay qaraxyadii is xig xigay ee shalay mid lagu weeraray Xarunta Wasaaradda Waxbarashada iyo midka ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada muqdisho.

Wararka lag helay Isbitaallada iyo qaar kamid ah dadkii ay dhinteen ehelladooda ayaa sheegaya in in ka badan 100 Ruux ay qaraxyada ku dhinteen 300 oo kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo isugu jiray kuwo wadada marayay iyo kuwo Goobo ganacsi halkaasi kulahaa.

Dad farabadan oo baadi goobaya ehelladooda iyo Warbaahinta Madaxa bannaan qaarkood ayaa buux dhaafiyay Isgoyska Soobe, iyada dhismayaasha hoostooda laga raadinayo dadka maqan ehelladooda.

Laamaha Ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli faah faahin rasmi ah ka bixin tirade dadka ku dhintay qaraxyada, hayeeshee Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday Goobihii ay qaraxyada ka dhaceen ayaa xaqiijiyay dhimashada in ka badan 100 Ruux.

Qaar kamid ah Isbitaallada waaweyn ee kuyaalla Magaalada muqdiso waxaa la geeyay meydad iyo dhaawacyo horleh, kuwaas oo kamid ah dadkii ku waxyeeloobay qaraxyada.

Dowladda Soomaaliya ayaa aad uga gaabisay gurmadkii looga baahnaa, iyada oo dadka qaarkood ay Isbitaallada ugu dhimanayaan dhiig la’aan, waxaana sidoo kale jira dadka qaar oo dhaawacyadooda uu culus yahay, kuwaas oo u baahan caafimaad dibadda ah.