AKHRISO:- Wasiirada Geeska Afrika oo ku baaqay in iskaashi ballaaran laga sameeyo wax ka qabashada cunto-yaraanta

0

Urur goboleedka IGAD, hay’adaha samafalka iyo saaxiibada kale ee ka taageera mashaariicda horumarinta ayaa ku baaqay in iskaashi ballaadhan laga sameeyo sidii loola tacaali lahaa gaajada iyo cunto yaraanta ka jirta gobolka.

Qiyaastii illaa 51 milyan oo qof oo ku nool wadamada bariga Afrika ayaa si aad ah ugu baahan cunto, biyo iyo daawo.

Wasiiro ka kala socda illaa sideed dal oo xubno ka ah urur goboleedka IGAD ayaa toddobaadkan ku kulmay magaalada Nairobi, si ay uga wada hadlaan in xal loo helo dhibaatooyinka bini’aadanimo ee ka taagan gobolka.

Agaasimaha gobolka u qaabilsan hay’adda cuntada adduunka ee Bariga Afrika, Michael Dunford, ayaa sheegay in loo baahan yahay in la qaado tallaabo degdeg ah.

“Sida la tilmaamay, waxaan ku jirnaa xaalad adag, maaha oo keliya xaalad cunto la’aaneed, ee waxay dhibaato ka jirtaa dhinaca biyaha, dhinaca waxbarashada, dhanka nolosha iyo weliba dhinaca nafaqaynta,” ayuu yidhi, isagoo hadalkiisa ku sii daray “waxaa maalmihii la soo dhaafay jiray, hadalo badan oo la jeediyey, laakiin haatan waxaa la joogaa in hadaladaas loo rogo ficil, si aan uga jawaabno baahiyaha dadweynaha ku nool gobolka Geeska Afrika.”

WFP ayaa sheegtay in baahida sanadlaha ah ee gobolku ay kor ugu kacday $4.3 bilyan illaa $6 bilyan, inkasta oo ay heshay xoogaa deeqo ah, haddana wali ma aanay daboolin baahida jirta.

Maxamed Malick, oo ah agaasimaha hay’adda UNICEF u qaabilsan Bariga iyo Koonfurta Afrika, ayaa sheegay in gobolku uu waayayo jiilkii soo kacayey, ka dib markii ay soo foodsaartay cunto yari iyo biyo la’aan baahsan.