AKHRISO:- Dowladda Soomaaliya oo gargaarkii ugu horeyey u dirtay gobalka Hiraan

0

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta gargaargii ugu horeeyay u dirtay deegaanada gobolka Hiiraan ee laga xoreeyay kooxaha argagixisada ah ee Al shabaab.

Ayada oo la fulinayo amarkii Ra’iisal wasaaraha XFS mudane Xamse Cabdi Barre ee shalay oo ahaa in gargaar dag dag ah lala gaaro deegaanada laga xoreeyay kooxaha argagixisada ah, ayaa hey’adda Maareynta Musiibooyinka waxaa ay gargaar raashin ah u dirtay magaaladda Buula-burde.

Gargaarkaan ayaa waxaa uu isugu jiraa raashin iyo agabyo kale waxaana garoonka diyaaradaha magaaladda Muqdisho ka qaaday diyaarad gaar ah.