AKHRISO:- Maxay siday diyaarada ay soo riday itoobiya?

0

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay diyaarad hub u sidday fallaagada TPLF oo ka soo tallaawday xadka Suudaan iney xalay soo rideen.

Madaxa waaxda howlgallada ee wasaaradda gaashaan dhigga Itoobiya Sarreeya Guud Tefaaye Ayalew oo u warramaya wakaaladda wararka Itobiiya ee ENA wuxuu sheegay diyaaradda ay ciidamada cirka Itoobiya soo rideen iney ka timid dhanka Suudaan hawada Itoobiyana ay ka soo gashay aagga Humera.

“Ciidamada dowladda dhexe waxay haatan wadaan howlgallo ay isku difaacayaan balse waxaa dhawaan billaabmi doono weerarro ka dhan ah fallaagada TPLF,” ayuu yiri Sarreeya Guud Tefaaye Ayalew.

Qoraal uu bartiisa twitter-ka uu maanta oo Arbaca ah uu soo dhigay la taliyaha sare ee arrimaha Amniga ee ra’iisul wasaaraha Itobiiya Ridwaan Xuseen ayaa sheegay in diyaaraddaasi ay lahaayeen ‘cadowga taariikhiga ah ee Itoobiya ee caanka ku ah inay si joogto ah uga shaqeeyaan sidii ay dalkan u wiiqi lahaayeen’ inkasta la tailyuhu uu magacaabin dalka uu u la jeedo.

Tesfaaye waxaa kale uu sheegay labadi toddobaad ee u dambeeyey iney ciidamada fallaagada TPLF ay dagaal iisu diyaarinayeen ugu dambeyntina ay dagaal soo qaadeen.