AKHRISO:- Qaar ka mid ah dadka ku dhintay weerarka Hoteel Xayaat oo la shaaciyay

0

Koox hubaysan ayaa weerar ku qaaday hoteelka Xayaat ee ku yaalla KM4, halkaas oo lagu soo warramayo inay wali ku jiraan.

Weerarka ayaa ku billowday qaraxyo, oo ismiidaamin ahaaa.

Kooxda hubaysan ayaa weerarka ku qaadday labada albaab ee hoteelka.

Weerarka oo wali socda dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ee la xaqiijiyay waxaa ka mid ah:

Ganacsade Cabdirahman Xassan Iiman milkilihii hoteelka la weeraray, Sheekh Maxamed Baabili, Cabdi Haadi Maxamed Sheekh ,Ibraahim Raage, Yuusuf Mahad Barrow iyo dad kale.