AKHRISO:- Sheekh Aadan Siiro oo Ku Geeriyooday Dalka Hindiya

0

Allaha u Naxariistee Shiikh Aadan Max’uud Xiiray (Aadan Siiro) oo ka mid ah culimaa’udiinka Soomaaliyeed ee caanka ah ayaa ku geeriyooday xalay dalka India.

Shiikh Aadan Siiro ayaa xanuun awgii loo geeyay dalka Hindiya si halkaas loogu soo daweeyo.

Sheekh Adan Siiro waxa uu ahaa mid kamida culimada waawayn ee Somaliland waxa uu Sheekhu aad iyo aad ugu takhasusay taariikhda iyo siirada rasuulka SCW iyo Asaxaabtiisa.

Allaha u naxariistee Shiikh Aadan Siiro waxa uu muddo dheer duruus kala duwan oo Diini ah ka bixin jiray Masaajidada ku yaalla magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland.