AKHRISO:- Maamulka Degmada Doolow oo Qaabilay wafti kasocday beesha caalamka.

0

Maamulka Degmada Doolow iyo Guddiga abaaraha ayaa maanta qaabilay wafdi kasocday beesha Caalamka iyo Sarakiil kasocotay Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Gudoomiyaha Doolow Maxamed xuseen cabdi ayaa wakiiladan heerka caalamiga ah la wadaagay xaalada abaaraha ee Doolow ka jira taas oo ay la qabto qeybaha kala ee dalka iyo marxaladaha ku gaarka ah.

Waxaa Gudoomiyaha & Guddiga abaarah ay sheegan in gurmadka gargaar ee hada loo baahan yahay uu yahay kii ugu muhiimsanaa ee lagu samata bixinayo dadweynaha ay abaartu saamaysay.

Kulanka waxaa Gudoomiyaha Degmada Doolow waxaa kuwehelinayay Afhayeenka Gobalka Gedo, Gudomiye kuxigeenka, Gudoomiyaha arrimaha bulshada & Guddiga abaaraha Degmada