AKHRISO:- Ciidanka dowladda oo sheegay in howlgal qorsheysan ay ku dileen Sarkaal Shabaab ka tirsan

0

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay dileen madaxii Al-Shabaab u qaabilsanaa Jabhada Gobolada Baay iyo Bakool kadib howlgal ay ka sameeyeen Degaanka Ceel-Cuni oo qiyaastii 65-KM ujira Degmada Tiyeegloow ee Gobolka Bakool.

Ninka ay sheegeen ciidanka in ay dileen ayaa lagu magacaabi jiray Maxamuud Nuur Gacal oo magaciisa Afgarashada uu yahay (Sheekh Al-Sima).

Ciidanka ayaa sidoo kale dilay ku dhawaad 10 Maleeshiyaad ah sida uu Sida u sheegay Taliyaha Guutada 9-aad Qeybta 60-aad ciidanka xoogga dalka Col: Cali Xabad.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab ee ka bilowday gobolka Bakool.