AKHRISO:- Somaliland oo xirtay Nin Baraha Bulshada ku dhaliili jiray Madaxweynaha Jabuuti

0

Waxaa maalintii Saddexaad ku xiran degmada Gabilay ee degaannada Somaliland Aare Saleebaan Cowleed oo ah muwaadin u dhashay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, waxaana xiray ninkaan sida wararku sheegayaan ciidamada ammaanka Somaliland, inkasta oo ilaa iyo hadda Maamulku aysan ka hadlin sababta loo xiray ayaa haddana waxaa la tilmaamayaa inuu yahay nin babaraha bulshada ka dhaliila madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Xarigga ninkaan waxaa xaqiijiyay mas’uuliyiin ka tirsan xisbiyada mucaaradka ah ee Somaliland oo ku booqday Saldhigga uu ku xiranyahay ee Gabilay.”Waxaan soo xaqiijinay in ninkaa gacanta Somaliland iyo saldhigga dhexe ee degmada Gabilay, ku jiro oo aan melena loo qaadin iminka sharcigeenuna ma oggala,” ayuu yiri Xamse Khayre oo ka tirsan Xisbiga mucaaradka ha ee Wadani .

Xubnahaan booqday ayaa Xukuumadda Somaliland ku adkeyay in Aare Saleebaan Cowleed, haddii uu dambi galay lagu maxkamadeeyo gudaha Somaliland maadaama sida ay sheegeen uu haysto dhalashada Somaliland iyo tan Jabuuti,waxaana booqashadooda iyo soo xaqiijintooduba ay meesha ka saarayaan warar la isla dhexmarayay oo sheegayay in ninkaan dalka Jabuuti dib loogu celiyay.

Xarunta madaxabannaan ee Xuquuqul Insaanka Somaliland ayaa iyana war ka soo saartay kiiska ninkaan–“Xaruuntu waxa ay ka walaacsan tahay xariga Aare, waxana ay ka digaysaa in ay Somaliland dib ugasho khaladkii sharci ee ay gashay 2014, kaas oo ay muwaadin reer Somaliland ah oo magaciisu yahay Cabdilaahi Shiikh Cabdiraxmaan Ibraahim Jabuuti ugu gacan galisay iyada oo aanay jirin xeer ama sharci ay raacday kaas oo ilaa hadda Jabuuti ku xiran, arrinkaas oo ahaa mid bini’aadanimada ka baxsan.”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Xaruunta Xuquuqul Insaanka Somaliland.