AKHRISO:- QM oo sheegtay in Somalia u baahan tahay gurmad deg deg ah

0

Isagoo aaladda fogaan-aragga uga qeyb galayay shir heer sare ah oo looga hadlayay abaaraha Geeska Afrika oo ka dhacay magaalada Geneva, ayuu Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan waxa uu rajo ka muujiyay in xoogga la saarayo sida ay muhiimka u tahay taageerada deeq-bixiyayaasha caalamiga ah ee looga hortagayo macluusha iyo caawinta malaayiinta ay abaaraha Soomaaliya ay ku dhufteen in ay u baahnaan doonto dhaqaale badan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Soomaaliya ay abaarta si ba’an ay u saameeysay, isla markaana aysan ka maarmi karin taageerada Caalamiga ah si wax looga qabto Abaarta kajirta meelo kamid ah dalka.

Dhanka kale waxaa goobjoog ka ahaa kulanka Isku-duwaha Arrimaha Bini’aadantinimada ee Soomaaliya Adam Abdelmoula iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya sida Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Isagoo ku hadlayey magaca bahda samafalka ee Soomaaliya, Mudane Abdelmoula waxa uu u mahadceliyey dhammaan kuwii ballan-qaadyada sameeyay, wuxuuna ka codsaday in kuwa kale ay sidaas oo kale sameeyaan.

Abaarta kajirta Soomaaliya ayaa xoogeysatay, taas oo saameysay dad iyo Duunyo, hayeeshee Madaxda ka qeyb gashay Shirka looga hadlayay Abaaraha dalalka Geeska Afrika ee Magaalada Geneva ay balan qaadeen dhaqaalo kala duwan.