AKHRISO:- Howlgal dad lagu qab qabtay oo laga sameeyay Magaalada Muqdisho

0

Ciidamo katirsan Booliska Soomaaliya ayaa xalay waxaa qeybo kamid ah degmada Kaaraan ee Gobolkan Banaadir ay ka sameeyeen howlgallo baaritaan ah oo dad farabadan lagu qabqabtay

Howlgalka oo ahaa mid lagu xaqiijinayay Amniga ayaa waxaa hoggaaminayay taliyaha qeybta Bari Gaashaanle Cali Calasow xasan, taliyaha Booliska degmada Kaaraan Salaad Caraale iyo guddoomiyaha degmada Kaaraan Abshir Kaaraan, waxaana Ciidamada ay howlgalka ka fuliyeen Xaafadaha, Jabuuti, Faanoole, Nageeyle iyo Jamhuuriya, iyaga oo baaritaan ku sameeynayeen Guryaha qaar ee kuyaalla Xaafadaha howlgalka laga sameeyay.

Guddoomiyaha degmada Kaaraan Abshir Maxamed Maxamuud (Kaaraan) oo howlgalla faah faahinayay ayaa sheegay in howlgalka ay ku baadi goobayeen dad lidi ku ah Amniga, isla markaana ay gacanta ku dhigeen dad ka Ganacsanayay iyo kuwo isticmaalayay waxyaabaha maanka dooriya.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in howlgallada ay noqon doonana kuwa sii socda, isaga oo digniin u diray dadka ka Ganacsada iyo kuwa isticmaala maandooriyaha noocyadiisa kala duwan.

Howlgalkan laga sameeyay degmada Kaaraan ayaa daba socday kadib markii cabasho ay ka timid Shacabka degmadaas, iyaga oo ka cabanayay Kooxo Burcad ah oo dhac u geeysanaya.