AKHRISO:- Doorashada kuraas aan lagu tartamin oo Maanta ka dhacday Kismaayo

0

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Maamulka Jubbaland ayaa Maanta oo Jimce ah Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ku qabtay doorashada Saddex kamid ah kuraasta Golaha Shacabka.

Kursiga Koowaad ee Hop#132 oo uu horay ugu fadhiyay Ibraahim Maxamed Xuseen (Buulle) ayaa waxaa ku guuleysatay Cadar Xareed Jibriil kadib markii ay u tanaasushay Ifraax Cabdiqani Yuusuf oo la tartami laheyd. Waxaana cod gacan taag ah ugu codeeysay 98 Ergo oo ku sugneyd Goobta doorashada.

Kursiga labaad ee Hop#092 oo uu ku fadhiyay Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka Maxamuud Cabdullaahi Siraaji ayaa waxaa Maanta ku guuleystay Wasiirkii hore ee Howlaha Guud ee Xukuumaddii RW Kheyre Saadaq Cabdullaahi Cabdi kadib markii uu u tanaasulay Cabdullaahi Aadan Cabdi oo la tartami lahaa.

Xildhibaan Saadaq Cabdullaahi Cabdi ayaa cod gacan taag ah waxaa ugu codeeyay dhamaan Ergada goobta ku sugneyd oo aheyd 101 Ergo, waxaana Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Jubbaland oo natiijada ku dhawaaqay uu sheegay in Saadaq Cabdullaahi Cabdi uu ku guuleystay Kursiga Hop#092 ee Golaha .

Kursiga Saddexaad ee Hop#023 oo uu horay ugu fadhiyay Cali Maxamed Muuse ayaa waxaa Maanta ku guuleysatay Nasro Mahdi Caraale kadib markii ay tanaasushay Sahro Cabdi Cilmi oo la tartami laheyd, waxaana cod gacan taag ah ugu codeeysay Nasro Mahdi Caraale 100 Ergo ah, waxaana ka aamusay Hal ergo.

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa wada sidii uu u dardar gelin lahaa doorashada Golaha Shacabka, waxaana Maamulkaas uu ilaa iyo hadda shaacin doorashada kuraasta taalla Magaalada Garbahaareey oo ah degaan doorashada labaad