AKHRISO:- Dagaal ka dhacay degmada Afmadow & faah faahin laga helayo

0

Dagaalka oo ahaa mid xooggan una dhaxeeyay Ciidamada Daraawiishta dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa ka dhacay degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigga Ciidanka Jubbaland ay ku lee yihiin degmada Afmadow, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dadka degmada Afmadow qaarkood ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa hub culus oo dhinacyadu iswaydaarsanayeen, waxaana dagaalka ku dhintay hal Askari halka mid kale uu ku dhaawacmay.

Degmada Afmadow ayaa waxaa ay kamid tahay degmooyinka ugu amniga wanaagsan Gobolka Jubbada Hoose, waxaana kusugan Ciidamo farabadan oo katirsan kuwa daraawiishta Jubbaland, kuwaas oo mararka qaar fuliya howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab.