AKHRISO:- Howlgal lagu qabtay hub & dadkii watay oo laga sameeyay Muqdisho

0

Ciidamada Booliska Soomaaliya gaar ahaan taliska qeybta Galbeed ee Gobolka Banaadir ayaa howlgal lagu soo qabtay dad, gaadiid, iyo hub ka sameeyay Xaafado katirsan degmada Dharkeenleey ee Gobolkan Banaadir.

Ciidamada ayaa gudaha u galayay Guryaha ay degan yihiin dadka Shacabka ah ee kuyaalla 5 Xaafadood oo ay ka kooban tahay degmada Dharkeenleey, iyaga oo ku sameeynayay howlo baaritaano ah, waxaana degmada Dharkeenleey ay kamid tahay meelaha maga cabanayay falalka Amni darro.

Sidoo kale Ciidamada ayaa howlgalkooda ku baarayay Goobaha Ganacsiga iyo guud ahaan Gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee isticmaalayay waddooyinka degmada Dharkeenleey, waxaana saraakiisha Ciidamada ay ku sheegeen ujeedka howlgalka mid Amniga lagu xaqiijinayay laguna baadi goobayay Dhalinyarada maalmahaan laga cabanayay ee loo yaqaani Ciyaal Weerada.

Guddoomiye kuxigeenka dhanka Amniga ee degmada Dharkeenleey Cabdullaahi Shaarkeey ayaa sheegay in howlgalkan uu yahay mid si isku duubni ah u soconayo siwadajir ahna ay u wada fulin doonaan Maamulka degmada iyo laamaha Amniga Soomaaliya.

Dhinaca kale Taliye kuxigeenka qeybta Galbeed ee Ciidamada Booliska Bashiir Durqan ayaa dhankiisa sheegay in howlgalka ay wadi doonaan maadaama lagu guda jiro xilli doorasho xaalada dalkana ay tahay mid kacsan, isla markaana dhamaan degmooyinka qeybta Galbeed laga sameyn doono howlgalka.

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa todobaadyadii la soo dhaafay kordhiyay howlgallada lagu xaqiijinayo dhanka Amniga ee laga sameeynayo degmooyinka Gobolka Banaadjr kadib falalka amni darro oo kordhay iyo cabasho uga timid dadka Shacabka ah.