AKHRISO:- Shir looga hadlayay xoreynta degaannada Jubbaland oo lagu qabtay Kismaayo

0

Wasiirka wasaarada amniga jubbaland Janeraal Yuusuf Cismaan Dhuumaal ayaa maanta shir gudoomiyay kullan looga arinsanayay xaqiijinta amniga guud ee deegaannada jubbaland xilli lagu guda jirro doorashooyinka golaha shacabka.

Kullanka ayaa waxaa ka qayb galay taliyaha guud Ciidamada jubbaland, saraakiil katirsan ciidamada amaanka jubbaland, xeer ilaaliyaha ciidamada qalabka sidda ee jubbaland iyo xeer ilaaliyaha guud ee dowlad goboleedka jubaland.

Dhinacyada ayaa iska xog wareystay xaalada ammaan ee deegaanada jubbaland waxaana kullanka warbixin guud looga dhageeystay saraakiisha ciidamada kusugan furimaha hore ee dagaalka kuwaa oo ka warbixiyay xaalada amaan ee deegaanada ay gacanta ku hayaan qorshayaasha amni ee deegaanada kale.

Sidoo kale kullanka ayaa waxaa ajandayaasha lagu qaadaa dhigay waxaa kamid ah sugidda amniga goobaha codbixinta doorashooyinka golaha shacabka halka saraakiisha kullanka lagu faray inay muujiyaan feejignaan dheeri ah inta lagu gudda jirro hawlaha doorashada.

Kullanka ayaa markii uu soo idlaaday waxaa warbaahinta lahadlay taliyaha ciidanka booliska jubbaland sareeyo guuto maxamuud cabdi sheikh xujaale oo warbaahinta ufaahfaahiyay waxyaabaha kullanka looga hadlay iyo go’aanadii kasoo baxay.

Kullankan ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan bilowga todabaadka dambe lafilaayo in kismaayo lagu qabto doorashada qaar kamid ah kuraasta golaha shacabka ee taallo kismaayo.