AKHRISO:- Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Iyo Dhiggiisa Finland Oo Ka Wada Hadlay Iskaashiga Labada Dal

0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisaciid Muuse Cali ayaa maanta oo talaado ah khadka telefoonka wadahadal kula yeeshay dhiggiisa Arrimaha Dibadda ee dalka Finland Mudane Pekka Haavisto.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dheef-wadaagga ah ee ka dhexeeya labada dal, isaga oo Wasiir Cabdisaciid Muuse Cali uga mahad celiyey Dowladda Finland taageerada ay u fidiso Soomaaliya.