Madaxweyne Deni oo markale weerar afka ah ku qaaday Saraakiisha Ciidamada PSF

0

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa markale si dadban u weeraray Saraakiisha Ciidamada PSF-ta Puntland ee kasoo horjeestay xilka qaadistii uu ku sameeyay Agaasimahooda.

Deni oo hadal ka jeediyay xilli uu Maanta furayay Machadka tababarka Shaqaalaha rayidka ayaa sheegay in aysan noqon xilalka dowladda kuwa ay beel gaar ah leedahay.

Wuxuu si dadban u diray Saraakiisha Ciidamada PSF, isaga oo sheegay in hadda ay mareyso in qofka uu u maleeynaayo in Hay’adda ay Reerkiisa geeyeen oo ay adag tahay in uu ka tago ama xilka laga qaado.

Ugu dambeyn Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni waxaa uu sheegay in hadii laga dhigo Shirkadaha iyo Hay’adaha dowladda kuwa Reero gaar ah leeyihiin in Puntland aysan heysan laheyn dhulkaan quruxda badan.

Warkaan kasoo yeeray Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa kusoo aadaya xilli aan weli xal laga gaarin xiisadda ka dhalatay xilka qaadistii Madaxweynaha Puntland uu ku sameeyay Agaasimihii Hay’adda PSF Maxamuud Cismaan Diyaano.