Guddiga xalinta khilaafaadka oo Mudada u kordhiyay Go’aan ka gaarista kursi HOP067

0

Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka dalka ayaa shaaciyay muddo kordhin ay u sameeyeen xilliga go’aanka laga gaarayo dacwadda kursiga uu muranka ka taagan yahay, kaas oo dhawaan loo doortay Agaasimaha KMG ah ee Hay’adda NISA Yaasiin Fareey.

Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa waxaa lagu shaaciyay in Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban, isagoo tixraacaya warqada tirsigeedu yahay 18/2021 ee lagu hakiyay ku dhawaaqista natiijada rasmiga ah kursi lamber HOPHO67 ee soo baxday 28/11/2021 looguna ganaqayay soo-dacwoodayaasha Musharax Axmed Cabdikarim Cali iyo Nabadoon
Cali Xassan Cali (Cali Jeesto) iyo Guddiga Maamulka Doorashada ee Galmudug (GMDG), isla markaana fulinaya Habraacii 1da Oktoober ee lagu dhisay guddiga, Qodabkiisa Xilalka iyo Wajibaadka, farqadisa 2aad,, isla markaana Guddiga wuu xaq u leeyahay in uu baaritaan ku sameeyo dacwad kasta, dhagaysto dhinacyada ay
dacwadu taabanayso iyo inuu hubiyo cadaymaha la aruuriyay si loo helo xog dhamaystiran oo lagu go’aan qaadan karo.

” Haddaba, Guddiga Xallinta Khilaafaadka ee Doorashada Dadban ee 2020/2021,
MARKUU OGAADAY: In Dacwada kursi lamber HOP#067 ay leedahay laba dhinac oo u baahan in si kala duwan loogu sameeyo baarintaan, dhagaysi iyo hubinta cadaymaha muhiimka ah si loo helo xog dhamysitian;

MARKUU TIXGALIYAY: In dhagaysiga dacwada ay lagama maarmaan u tahay dhagaysiga muwaadiniin kala jooga magaalooyin kala duwan ayna muhiim tahay in loola kulmo si fool-ka-fool ah;

MARKUU QIIMEEYAY: In dacwadu u baahan tahay qiimayn qoto dheer oo la isla akhrinayo dhaqanka beelaha ay khushayso, habraacyada Guddiga Maamulka Doorashada ce heer federaal iyo habraaca Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka Dadban e 2020/2021;

MARKUU TIXGALIYAY: In Xubanaha dacwada baaraya ay u baahdeen maalmo dheeri ah si loo helo xog dhamaystiran, isku dheli tiran oo lagu go’aan qaadan karo.

Sidaa dareed, wuxuu Guddiga Xallinta Khilaafaadka ee Doorashooyinka 2020/2021 ugu daray xubnaha dacwada baaraya in xogta, baritaanada iyo dhagaysiga dacwada kursi lamber HOPHO67 ku soo dhamaystiraan muddo aan
ka badnayn 10 maalmood oo ka bilaabanaysa 05/12/2021 Ugu dambayn.

Ugu dambeyn Guddiganayaa wuxuu ku wargaliyay in Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee heer federaal iyo Guddiga Maamulka Doorashooyinka ce Galmudug inay tixgaliyaan duruufaha adag ee xog aruurinta, ayna si
dhaw ula shaqeeyaan xubnaha GXKHDD ee ku foogan Dacwada kursi lamber HOP#067 si loo helo xog dhamaystiran oo dhalin karta go’aan cadaalad ah, hufan, kuna qotanta dhaqanka Soomaaliyeed iyo Halbeegyada Caalamiga ah ee Doorashooyinka.