AKHRISO:- Kiisaskii ugu badnaa ee COVID-19 oo laga helay Soomaaliya

0

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta tirada asbuucii la soo dhaafay ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 4,577 xaalado cusub oo COVID-19 ah asbuucii la soo dhaafay, 4 qof ayaa u geeriyootay, waxaana ka bogsatay 279 ruux.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay Somaliland (17), Puntland (8), gobalka Banaadir (9), Jubbaland (1) qof 26 ka mid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag, halka 9 ay yihiin haween.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 23,051 waxaa bogsootay 12,325 Ruux. guud ahaan 1,331 ruux oo kale ayaa u geeriyootay cudurka.