AKHRISO:- Saciid Deni;”Dalkaan Hal Ciidan Ayuu Yeelanayaa,Ciidamo Rag Leeyahay Ma Yeelanayo.”

0

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdulaahi Deni ayaa sheegay in maamulka Puntland uusan oggolaan doonin in ay jiraan ciidamo dad gaar ah leeyahay.

Isagoo ka hadlayay meel fagaare ah markii ugu horeysay tan iyo markii uu bilowday khilaafka ku saabsan xilka qaadistii uu ku sameeyay taliyaha ciidamada PSF ayuu Saciid Deni ka hadlay qorshaha dowladiisa.

“Dalkan hal dowlad ayuu yeelanayaa dowladu isku dhex jira ma yeelanayo,hal ciidan ayuu yeelanayaa ciidamo rag leeyahay ma yeelanayo.”ayuu yiri Saciid Deni.

“Ciidamo hebel leeyahay maalmihii ugu dambeeyay ayaa socota shacabkaa leh dowlad waxaan ka tagaynaa dadka ka dhexeeysa.”ayuu yiri Saciid Deni oo hadalkiisa u muuqday inuu ula jeedo taliyaasha ciidanka PSFta.

Madaxweyne Deni waxa uu sheegay in uu waxbadan ka qabtay sidii gacanta shacabka loo soo gelin lahaa dhaqaalaha iyadoo kahor maamulkiisu dad gaar ah maamulan jireen sida uu hadalka u dhigey.

Waxa uu xusay intaas ay sababtay in la dhiso waddooyin waaweyn iyo mashaariicyo kala duwan.
“Annagu Talada dadkaan kusoo celinay, oo shacabku iyagaa qof iyo cod ku dooran doona madaxdooda, Hay’adihii Dowladdana Gacanta Shacabka ayaan kusoo celinay oo Dowladdu u metelayso”ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Magaalada Boosaaso ayaa waxa ka taagan xiisad ka dhalatay kadib markii uu diiday in xilka uu wareejiyo taliyihii PSFta waxaana ku wada sugan magaalada ciidamo PSFta iyo ciidamo kale oo ka tirsan maamulka Puntland.