AKHRISO:- Wakiilka Midowga Afrika ee Somalia oo gaaray Kismaayo

0

Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa Maanta gaaray wafdi uu hoggaaminayo Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya danjire Francisco Madeira, iyada oo sidweyn halkaasi loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga waxaa garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ku soo dhaweeyey Wasiirka Wasaaradda Amniga Jubbaland Gen Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Ciidamada Maamulka Jubbaland.

Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya danjire Francisco Madeira ayaa waxaa uu la kulmi doonaa Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, isaga kala hadli doono wadashaqeynya Ciidamada AMISOM ee Maamulka Jubbaland iyo Arrimo kale.