AKHRISO:- Booliska Somaliland oo howlgallo ka fuliyay Laascaanood

0

Ciidanka Booliska Somaliland ayaa xalay howlgal ay ka sameeyeen magaalada Laascaanood waxaa ay ku qabqabteen dadweyne faro badan oo rayid ah.

Dadka howlgalka lagu soo qabqabtay ayaa waxaa ay ahaayeen dad ka soo jeeda gobolada koofureed ee dalka Soomaaliya iyagoo ahaa ganacsato.

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in ay baaritaan ku sameynayaan dadkan iyadoo qaar kamid ahna la sii daayay markii su’aalo la weydiiyay.

Howlgalkan ayaa yimid kadib markii muddooyinkii dambe ee magaaladaas ku bateen falalka amni darro, iyadoona halkaas lagu dilay maas’uuliyiin iyo xubno kale oo ay fuliyeen dabley hubeysan.