Xiliga kama dambeysta ah ee lagu dhawaaqayo xukunka Kiiska Badda Soomaaliya iyo Kenya oo la shaaciyay.

0

Xukunka dacwada muranka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxay si rasmi ah Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ ugu dhawaaqi doontaa 12-ka October ee 2021-ka, sida uu sheegay ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed.

Waxaa la shaaciyay xilliga rasmigaa ay Maxkamada Cadaaladda Adduunka ICJ ku dhawaaqi doonto xukunka dacwada muranka Badda ee dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo maxkamada ay go,aamisay iney ku dhawaaqdo  12-ka October ee 2021-ka.

Qoraal kasoo baxay Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayuu ku yiri  “Alxamdulillaah, Waxaa farxad ii ah in aan Ummadda Soomaaliyeed la wadaago in Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ay xukunka dacwaddii Badda ee Soomaaliya iyo Kenya soo saari doonto 12ka Oktober, 2021,” ayuu Mahdi Guuleed ku yiri qoraal uu soo dhigay twitter-ka.

Dowladda Soomaaliya ayaa Maxkamadda ICJ u gudbisay doodeeda ku aadan Badda ay muranka galisay Kneya 15-kii iyo 16-kii March, iyadoo aysan dhicin wax dhageysi ah 17-kii March ay qabatay Maxkamada,  kadib markii Kenya ay diiday inay ka qeyb gasho doodda afka ah ee maxkamadda ka socoto.

Dowladda Kenya dhankeeda waxaa ay codsi u dirtay 17-kii bishii March 2021 Maxkamada Cadaaladda Adduunka ICJ, Iyadoo ku gacan seertay codsigeeda ahaa inay dib ugu soo laabato dhageysiga dacwadda oo ay qaadacday 11-kii bishan, sida ay sheegeen guddiga matalaya Soomaaliya.