AKHRISO:- Booliska Muqdisho oo qabtay rag dhac ka geysanayay degmada Heliwaa

0

Ciidamada Booliska magaalada Muqdisho ayaa howlgal ay sameeyen waxaa ay ku soo qabteen dhalinyaro falal dhac ka geysanayay xaafado ka mid ah degmada heliwaa ee gobolka banaadir.

Dadka la qabtay oo ah labo ruux oo dhalinyaro ah ayaa lagu soo qabtay sida ay sheegeen maamulka degmada iyagoo wata bastoolado macmal ah,mindi iyo moobeelo, iyadoo lagu soo bandhigay xarunta degmada Heliwaa.

Guddoomiyaha Cusub ee degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir Mire Salaad Dhuxuloow ayaa sheegay in ay ka go,an tahay islamarkaana ay u soo jeedi doonaan illaalinta hantida reer Heliwaa.

Toddobaadyadii la soo dhaafay ayaa degmooyinka Yaaqshiid, Kaaraan iyo Heliwaa waxaa ka jiray dhac loo geesanayo dadka ku nool xaafadaha degmooyinkaasi, iyadoo laamaha ammaanka ay hore usoo bandhigeen howlgal ay kusoo qabten rag lagu eedeeyay burcadnimo iyo wixii ay wateen.