Madaxda Puntland iyo Jubbaland oo lagu wado in ay soo gaaraan Muqdisho.

0

Madaxweyneyaasha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo kan Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta lagu wadaa in ay soo gaaraan magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ka qeyb geli doono shirka uu iclaamiyay R/wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran ayaa si rasmi ah waxa uu Afisyoone ka furmayaa maalinta Sabtida ee 21ka Ogoosto iyada oo Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ay ka soo wada gali  doonaan.

Magaalada Muqdisho ayaa waxa hadda ku suggan Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Koofur Galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug , waxana la filayaa Madaxweynayaasha kale ee Puntland iyo Jubbaland in ay Muqdisho soo gaaraan.