AKHRISO:- Wararkii ugu dambeeyay doorashada Guddoonka Golaha wakiilada Somaliland

0

Waxaa goordhow uu kulan uga furmay Magaalada Hargeysa Xildhibaannada Cusub ee Golaha Wakiilada Somaliland, kuwaas oo manta la filayo inay doortan guddoomiye iyo labadiisa kuxigeen.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ah 81 mudane halka xal Xildhiban uu ka maqayn yahay, waxaana goordhow bilaabatay dhaarinta Xildhibaannada Cusub oo gobol Gobol loo dhaarinayo.

Doorashada Guddoonka Golaha Wakiilada Somaliland oo aad u xiiso badan ayaa waxa ku tartami doona Saddex Xubnood oo ka socda Xisbiyada Mucaaradka oo isbhayeystay iyo Xisbiga Talada haaya ee Kulmiye, kuwaas oo ku kala tartami doona Guddoomiye, kuxigeenka 1aaad iyo labaad.

Ammaanka Magaalada Hargeysa ayaa aad loo adkeeyay sigaar ah halka ay ku shiraan Xildhibaannada oo ay doorashada ka dhaceyso, waxaana goobjoog ka noqon doonaa mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somaliland iyo Madax kale.