AKHRISO:- Dowladda Somalia oo Magaalada Camaara kusoo bandhigtay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab

0

Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta magaalada Camaara ee Koonfurta Gobolka Mudug ku soo bandhigay Sarkaal la sheegay in uu ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda ee howlgallada kujira ayaa waxaa ay sheegeen in Sarkaalkaan oo lagu Magacaabo Jabriil Saciid Cali Saciid uu Al-Shabaab u qaabilsanaa afduubka Ajaanibta.

Saraakiil ciidan oo uu Hogaaminayo Jeneraal Saadaq John oo gelinkii dambe ee shalay la wareegay gacan ku haynta magaalada Camaara, halkaasi oo ay ku qabteen sida la sheegay Sarkaalka, kaasi oo Al-Shabaab u qaabilsanaa Afduubka Ajaanibta arrimaha Samafalka u yimaada Soomaaliya.

Sida lagu daabacay Warbaahinta dowladda Sarkaalkaan ayaa sheegay in uu horey u qafaashay Weriyeyaashii ka kala socday Dalalka Faransiiska iyo Jarmalka, kuwaasi oo uu ka qaatay lacago Madax furasho, ayna jiraan Ajaanib kale oo gacantiisa ku maqan, kana afduubtay meelo ka mid ah dhulka Soomaalida.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay weli howlgallo kala duwan ka wadaan degaano ku yaal Gobolka Mudug, waxaana la sheegay inay ku dhawaadeen degmada Xarardheere, halkaas oo Xarumo waaweyn ay ku leeyihiin Al-Shabaab.