Shaki ka abuurmay qaraxii magaalada Kismaayo iyo khilaafka NISA.

0

Khilaafka gacan ka hadalka looga baqo ee doorashada Soomaaliya islamarkaana saameeyay hey’adihii dowladda sida NISA ayaa maraya heer tuhun uu ka dhasho qaraxii Kismaayo ka dhacay todobaadkii hore ee lala beegsaday dhalinyaradii cayaartoyda ahayd.

Xogo soo ifbaxay saacihii u danbeeyay ayaa muujinaya in nabad sugidda dhexdeeda uu ka jiro tuhun ku saabsan in ay isla xiriiraan qaraxaasi iyo khilaafka NISA, ee u dhaxeeya taliyaha dabagalka Cabdullahi Dheere iyo Cabdullahi Kulane oo xil ka qaadistii R/W Rooble kadib xil kale loo magacaabay.

Tuhunka lagu tilmaamay in saraakiisha NISA qaarkood qaraxii ku sheegeen mid lagu xumeeynayay Cabdullahi Dheere iyo R/W Rooble, kadib markii mowqif adag iskal qaateen arinta Gedo ee doorashada Jubbaland.

Dhawaan ayaa warbaahinta soo gaartay in xubnaha ugu sareeya nabad sugidda Soomaaliya uu ka dhex aloolsan yahay khilaaf salka ku haya arimaha doorashada gaar ahaan gobolka Gedo, waxaana maalmo kahor markii Kulane Jiis markale loo dhiibay xil culus oo hey’adda ah digniin ka bixiyay Cabdullahi Dheere, taasi oo ku aadan in amni darro ka dhalan karto.

Xog laga helay saraakiil NISA ka tirsan ayaa sheegaya in labada nin ee ku kala heybta ah madaxweyne Farmaajo iyo madaxweyne Axmed Madoobe ay is dhaafsadeen hadallo kulul oo xiisadda Gedo ah iyo tuhun qaraxii Kismaayo ka dhacay ku saabsan.

Kulane Jiis oo gobolka uu ka soo jeedo ee Gedo awgii ku waayay xilkiisi hore, iyo Korneel Cabdullahi Daahir oo reer Kismaayo ah ayaa markii hore ahaa saaxiibo, waxaase hadda xaalkoodu uu gaaray in la isu hanjabo islamarkaana la isku eedeeyo falal amni darro.

Sanadihii u danbeeyay ayaa siyaasiyiin Soomaaliyeed, saraakiil hore iyo sidoo kale hey’ado caalami ah waxay soo saareen digniino ku saabsan isku milanka ama wada shaqeyn ka dhaxeysa NISA iyo kooxaha argagixisada ah,

Wal wal ayay shacabka ka qaadeen tuhunka ay nabad sugidda Soomaaliya dhexdooda iskaga shakiyeen fududeynra Qaraxii Kismaayo ka dhacay maalmo kahor ee lagu dilay dhalinyaro bahda kubadda cagta magaaladaasi ka tirsanaa.

Dadka ka faalooda amniga Soomaaliya waxay sheegeen in kiiska qaarkood aan loo sameyn baaris sax ah sabab la xiriirta in ay lugaha la galayaan xafiisyo hey’adaha dowladda ah.

Cabdullahi Daahir ayaa ra’iisal wasaare Rooble ku taageeray in Kulane xilka laga qaado, taasi oo dad badan sidoo kale oo ay mucaaradka ugu horeeyaan taageereen loona arkayay in xalka doorashada uu ku jiro.

Ra’iisal wasaare Rooble ayaa sidoo kale wajahaya culeyska ugu badan doorashada kaasi oo uu kala kulmayo saraakiisha is diidan ee NISA, balse waxaa sii adkeyneysa sida la rumeysan yahay in khilaafku noqday laba garab oo kala ah garabka Fahad, Farmaajo iyo Kulane, iyo kan Rooble iyo Cabdullahi Dheere.

Waxaa muuqata in wixii laga digayay mudooyinkii danbe ee ahayd in hey’adaha amniga ku milmaan siyaasadda ay soo baxeen, beesha caalamka ayaana wali kor u heysa lacagtii doorashada taasi oo dhacdooyinkan lala xiriirinayo.