AKHRISO:- Guddoomiyaha Guddiga xalinta khilafaadka doorashooyinka & Xubno kale oo u safray Baydhabo

0

Guddoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Soomaaliya Cabdullaahi Abyan Nuur iyo waftdi uu hogaaminayo ayaa saaka u safray Dowlad Goballeedka Koonfur Galbeed.

Xubnahan Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka ee ku wajahan Baydhabo oo ka kooban 6 xubnood ayaa goobjoog u noqon doona Doorashada Aqalka sare ee Senotarada kasoo baxaya Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed oo maanta ka bilaabmi doonta magaaladda Baydhabo.

Guddoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Soomaaliya Cabdullaahi Abyan Nuur iyo Xubno la socda ayaa dhawaan magaalada Kismaayo uga qeyb galay doorashada Afar kamid ah kuraasta aqalka sare ee ka imaaneysa degaannada Jubbaland.