AKHRISO:- Taliye Xijaar oo ku baaqay in la baaro Ergada dooraneysa Xildhibaannada Golaha Shacabka

0

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen Xijaar oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in aysan jirin cid loo diiday waraaqda danbi la’aanta ah ee musharixiinta xildhibaanada.

Taliye Xijaar ayaa sheegay in aan weli la bilaabin bixinta warqada danbi la’aanta ee loogu tala galay musharixiinta isagoo xusay in ay weli diyaarin ku jirto isla markaana si siman looga bilaabo doono Goboladda Dalka.

Taliye xijaar ayaa sidoo kale soo jeediyey in la baaro isla markaana ay warqada danbi la’aanta ah la yimaadaan ergada qeybta ka noqonaayo doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka.

Hadalka taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyed ayaa kusoo aadaya xilli howlaha doorashooyinka Xildhibaannada Aqalka sare ay ka bilaawdeen degaannada Maamulada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.