AKHRISO: Hir-Shabeelleoo faah faahisay dagaal ka dhacay Gobolka Hiiraan

0

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay weli howlgallo kala duwan ka wadaan degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Hiiraan, howlgalladaas oo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab oo mararka qaar weeraro ka fuliya meelo kamid ah Gobolkaas.

Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Taliska Militiriga Gobolka Hiiraan ayaa ka warbixiyay Howlgalladii ugu dambeeyay ee ciidamada Xooga ka sameeyeen inta u dhaxeeysa degmooyinka, Beledweyne, Matabaan iyo Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Taliyaha Guutada 5aad qeybta 27aad Korneyl Maxamuud Xasan Ibraahim ( Bakaay) ayaa sheegay in guulo waaweyn ay Ciidamada kasoo hooyeen howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isla markaana degaano dhowr ah la wareegeen.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali jeeyte Cismaan ayaa bogaadiyay guulo uu sheegay inay Ciidamada xoogga dalka kasoo hooyeen howlgallada, isla markaana maamulka Gobolka Hiiraan ay garab gaatan yihiin Ciidamada.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Ciidamada xoogga dalka ay sii wadi doonan howlgalalda ka dhanka ah Al-Shabaab ilaa iyo inta laga xaqiijinayo amniga degaannada u dhaxeeya degmooyinka, Beledweyne, Matabaan iyo Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Degaanada iyo degmooyinka Gobolka Hiiraan ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro toos ah iyo qaraxyo ay Al-Shabaab la beegsadaan Ciidamada dowladda Soomaaliya..