Axmed Madoobe oo Al-shabaab ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen qaraxii ka dhacay Kismaayo

0

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ka tacsiyeeyay geerida ciyaartoyda ku timid ee maanta lagu qarxiyay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbaland, wuxuuna qaraxa ku eedeeyay Al-Shabaab.

Wuxuu bartiisa Facebook ku qoray: “Al-Shabaab waxaa ka go’an in ay beegsadaan qof walba iyagoo si badheedh ah u beegsanaya dadka waxgalka ah sida dhalinyarada, aqoonyahanka iyo indhaha bulshada, taas oo cadaynaysa in ay si guud indhaha uga ridayaan ummada Soomaaliyeed.”

Qoraalka ayaa u qornaa sidan:-

Waxaan uga tacsiyaynayaa dhamaan bahda Ciyaaraha Jubaland qaraxii maanta Argagixisadu la beegsatay baska kooxda kubada Cagta JCCI, halkaas oo ay ku geeriyoodeen Sadex kamid ah ciyaartooyda kooxda qaar kalana ay ku dhaawacmeen.

Waxaan Alle uga baryayaa in uu janadii fardowso ka waraabiyo dhalinyaradaas aan waxba galabsan ee Argagixisadu ay dhiigooda banaysatay, waxaa kale oo aan Alle Caafimaad taam ah uga baryayaa inuu siiyo inta dhaawaca ah.

Al-Shabaab waxaa ka go’an inay beegsadaan qof walba iyagoo si badheedh ah u beegsanaya dadka waxgalka ah sida Dhalinyarada,Aqoonyahanka iyo indhaha bulshada taas oo cadaynaysa inay si guud indhaha uga ridayaan ummada Soomaaliyeed.

Dhamaan Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqaya in loo midoobo sidii kooxdan aan uga adkaan lahayn isla markana aan u badbaadin lahayn inta hadhay Bulshadeena.