Goobaha Ganacsiga Ee Suuqa Jowhar Oo Maanta Xiran Iyo Sababta Keentay

0

Waxaa gabi ahaanba maanta oo Axad ah xiran goobaha Ganacsiga suuqa weyn ee Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle, waxaana faah faahino laga helayaa sababta keentay xirnaashaha Suuqa.

Maamulka degmada Jowhar ayaa la sheegay inuu amar uu ku bixiyay in ay Ganacsatada bixiyaan lacago la tilmaamay in lagu xiray goobaha uu ka fatahay Webiga Shabeelle oo go’doon geliyay Caasimadda Maamulka.

Qaar kamid ah Ganacsatada ayaa sheegay in lacagaha lagu amray in ay bixiyaan ay u dhexeeyso 20 kun ilaa iyo boqol kun oo Dollar, iyagoona xusay Ganacsatada inay ku adkaatay bixinta lacagtaas, ayna ogolaadeen inay qeyb ka mid ah lacagta bixiyaan, balse laga diiday.

Ciidamo ka tirsan Maamulka Hirshabeelle ayaa shalay u tegay Ganacstaada kuna amray in ay bixiyaan lacagta laga doonayo, taas oo keentay in saakay Ganacsatada ay xiraan goobahooda ganacsi.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegaya in Ciidanka amniga Magaalada ay joojiyeen banaanbax lagu waday inuu ka dhaco Magaaladaas.