Ciidamo ka wada tirsan DFS oo ku dagaalamay Ex-Contorool Afgoye

0

Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Soomaaliya oo iska horimaad ku dhexmaray  isgoyska Ex-Contarol Afgooye, iyadoo uu khasaaro dhimasho iyo dhaawac ay kasoo gaareen dad shacab ah.

Labo ruux ayaa la sheegay in ay ku dhimatay dagaalka dhexmaray ciidamada ka wada tirsan dowladda soomaaliya halka tiro kale ay ku dhaawacmeyn.

Goob-joogayaal ayaa KNN u sheegay in dagaalka uu dhacay xilli ay dad badan ku sugnaayeen oo lacagaha canshuurta loogaga qaado gaadiidka ka baxaya iyo kuwa soo galaya magaalada Muqdisho.

Iska horimaadka Ciidamada ayaa la sheegay sidookale in uu salka ku hayo Cidii qaadan lahayd, lacagta bosteejada Warlaliska oo ay gawaarida aada Weydow,Ceelasha, Lafoole iyo Afgoye.