Farmaajo Oo Khadka Telefoonka Wada-Hadal Kula Yeeshay Amiirka Qatar

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maanta wadahadal dhinaca qadka teleefoonka kula yeeshay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani.

Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka Qatar Sheekh Tamiim ayaa isugu hambalyeeyay Munaasabadda Ciida barakeysan ee Ciidul Adxa oo maanta Maalintii laabad loo dabaal-dagayo.

Sidoo kale Farmaajo iyo Sheekh Tamiim ayaa isweydaarsiga halmbalyada Ciida kadib, ka wada hadlay xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dal, iyagoonka u rajeeyay labada dal iyo dhammaan muslimiinta horumar iyo barwaaqo.