Ururka Xamaas oo digniintii ugu dambeysay u dirtay Israaiil

0

Kooxaha Falastiiniyiinta ayaa ku hanjabay in markale ay weerari doonaan Maamulka Yahuuda hadii Ciidamada israaiil ay sii wadaan daan daansiga ay ku hayaan Dadka Muslimiinta ah ee degan daanta Galbeed, Bariga Qudus iyo Masjidka Barakeysann ee Al aqsa.

Afhayeen u hadley Kooxaha xaq u dirirka ah ee Falastiiniyiinta oo magaciisa la yiraahdo Xasiim Khaasim ayaa warbaahinta u sheegey in ururka Xamaas aanay sii daawan doonin dagaalka ay Ciidamada Israa’iil ka wadaan dalkaasi.

Dhinaca Kale Midowga Yurub ayaa waxaa ay iyana ay walaac ka muujiyeen Hanjabaada Xamas iyo Falalka ay ku kacayaan Ciidamada Yahuuda, waxaana ay sheegeen in hadii aan haatan wax laga qaban ay markale Xaalada ay sii xumaan karto.