Nin Daabacay Sawir Uu Ku Sheegay Nabi Maxamed NNKH Oo Geeriyooday

0

Nin u dashay dalka Denmark oo lagu magacaabo Kurt Westergaard oo sawirro uu ku sheegay Nebi Maxamed (NNKH) ay aad uga caroodeen Muslimiinta caalamka, ayaa ku geeriyooday da’da 86 jir.

Qoyskiisa ayaa sheegay in uu u geeriyooday xanuun muddo hayay, sida uu ku warramay wargeyska Berlingske.

Westergaard ayaa horraantii 1980-meeyadii ku biiray wargeyska dalkaas ka soo baxa ee Jyllands-Posten, isagoo u qaabilsanaa sawir gacmeedka.

Waxa uu soo caan-baxay sanadkii 2005, markii uu wargeyskaas ku daabacay sawir gacmeed uu ku sheegay Nebi Maxamed.

Sawirka ayaa kamid ahaa 12 sawir gacmeed oo uu wargeyska uga hadlayay faafreebka warbaahinta iyo in dhaliil loo jeedin karo Islaamka.

Arrintaas ayaa ka caraysiiyay Muslimiinta caalamka, waxaana cabasho xooggan Denmark u gudbiyay safiirrada dalalka Muslimiinta ah u fadhiya waddankaas.

Rabshado ka dhashay sawir gacmeedka ayaa bishii February ka dhacay dalal badan oo Muslim ah. Waxaa la weerarray safaaradaha ay Denmark ku leedahay tiro waddamo ah, halka tobanaan qof ay ku dhinteen rabshadaha.

Wargeyska Charlie Hebdo ee ka soo baxa caasimadda Paris ayaa qaatay go’aan noocaas ah, waxaana uu daabacay sawirro uu ku aflagaadeeyay Nebi Maxamed. Sanadkii 2015, weerar lagu qaaday xarunta wargeyskaas ayaa waxaa lagu dilay 12 qof.