XOG: Qatar oo bedeshey qorshaheeda siyaasadeed ee Soomaaliya.

0

Dowladda yar ee aadka u dhaqaalaha iyo galaangalka badan ee Qatar ayaa maalmihii la soo dhaafay toos wax uga bedeshay qorshaheeda macaamilka siyaasadeed ee Soomaaliya. Waxaa mar dhaw dalkaasi Qatar tagaya Ra’iisal wasaare Rooble, safarkaasi oo durba laga helayo macluumaad qarsoodi ahaa oo banaanka loo soo dusiyay.

Safarka Rooble ee Doxa, waxaa uu noqon doonaa sida la sii ogaaday bar bilowga waddo cusub ee dowladda Qatar uga jiho bedelatay gacanteedi siyaasadda Soomaaliya.

Taliyaha NISA Fahad Yaasiin ayaa Qatar ka soo laabtay laba maalmood kahor, sida lagu hayo xogtana waxaa is faham waa ku soo dhamaaday shirarkii uu la lahaa boqortooyada yar ee saameynta ku leh Soomaaliya.

Fahad Yaasiin iyo Qatar gaar ahaan sirdoonkeeda ayaa is fahmi waayay, waxaana uu taliyaha ku hungoobay in uu wakiil usii ahaado islamarkaana uu dhiso musharax uu si gaar ah u wato.

Sirdoonka Qatar ayaa tilaabadaas kadib waxaa xogaha muujinayaan in ay bixiyeen casuumadda safarka uu Rooble mardhaw dalkaasi ku tagayo, iyadoo sidoo kale ay dhisteen qorshaha ay ku sii heynayaan saameyntooda tooska ah ee Soomaaliya.

Laba qodob ayaa la sii ogaaday in ay keentay kala goosashada Fahad iyo Qatar, taasi oo wadad u xaareysa dhismo cusub oo looga guurayo halkii sideedii sanee la soo dhaafay uga talaalnaayeen dowladda caasimadda u tahay Muqdisho.

Qodobka ugu weyn ee kala jeesashada keenay waxaa uu yahay in Qatar ay ku eedeysay Fahad inuu hoos u dhigay saameynteeda Soomaaliya, una soo jiiday magac xumi iyo in laga cararo.

Kan labaad waxaa la leeyahay Qatar waxay dareensantahay in saameyn siyaasadeed oo xagga qabiilka ah uusan Fahad ku lahayn Soomaaliya, uuna ku fashilmay dhinacyo badan oo dagaalka Jubbaland ugu horeeyo.

Qodobka labaad iyo kan koowaad oo is biirsaday waxay soo dedejisay in dowladda Qatar ay kaalinti Fahad geliso shaqsi dhanka tolnimo ku dhaw Axmed Madoobe, madaxweynaha Jubbaland.

Xogo dhanka sirdoonka ah una soo dusay warbaahinta waxay muujinayaan in Korneel Cabdullahi Daahir Cabdalla, oo Cabdullahi dheere ku magac dheer ahna taliyaha dabagalka ee NISA ay sirdoonka Qatar la yeesheen wada hadal iyo heshiis xasaasi ah.

Qatar iyo Korneel Cabdullahi Dheere ayaa gaaray is faham buuxa iyo inuu galo booskii Fahad Yaasiin si awood xagga siyaasadda qabaliga ah ee Soomaaliya oo qorshahooda ugu socodsiiyo.

Safarka Rooble ee Qatar waxay ku wargelin doonaan sida warar hoose sheegayaan in Cabdullahi Dheere uu yahay wakiilkooda, loona bahan yahay in lala shaqeeyo.

Kornel Cabdalla ayaa heysta dhalada Qatar, waxaana uu kamid yahay saraakiisha NISA ee sida tooska ah ula shaqeeya CIA-da Maraykanka, balse waxaa uu ku eedeysan yahay duqeymo badan oo shacab lagu beegsaday.

Waxyaabaha kale ee Korneel Cabdullahi lagu eedeeyo waxaa kamid ah howlgallo isugu jiray qaarijin toos ah,iyo sumeyn siyaasiyiin iyo dadkaloo magac lahaa lagu dilay.

Maalmaha jadwalka doorashada oo is guraya, waxay xawaare usii yeeleysaa xaaladda siyaasadda Soomaaliya iyo saameynta Qatar.

Fahad la soo arag, waxaase la sugayaa halka tareenka ugu horeeya ee Korneelkan dhalashada Qatar heysto uu ku biraha surto.