Guddoomiyihii Degmada Buulo-Barde Oo Xilkii Laga Qaaday

0

Guddoomiyihii Degmada Buule-burde ee Gobolka Hiiraan ayaa xilka laga qaaday, waxaana sidoo kale la magacaabay Guddoomiye Cusub.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu guddoomiye cusub u magacaabay degmada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulkaasi Hirdhabeelle ayaa waxaa xilkii laga qaaday Guddoomiyihii degmadaas Feysal Haajir Aadan, sidoo kalena waxaa Waxaa wareegtadaasi lagu magacaabay Guddoomiyaha Cusub ee Degmadaasi Axmed Mahad Nuur.