Howlgal Laga Sameeyay Magaalada Gaalkacyo Iyo Fariin Loo Diray Shacabka

0

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Maamulka Galmudug ayaa habeenkii xalay aheyd waxaa ay howlgalo saacado socday ka sameeyeen gudaha Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Inta uu socday howlgalka Ciidamada ayaa waxaa baaritaano lagu sameeynayay gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee isticmaalayay waddooyinka Magaalada, waxaana Ciidanka ay su’aalo la xiriira amniga weydiinayeen dadka saaran gaadiidka.

Taliye ku-xigeenka qeybta Booliska Gobolka Mudug Gaashaanle Maxamed Mire iyo Taliyaha Saldhiga Gaalkacyo Kaptan Cali Xirsi Sahal ayaa sheegay in ujeedka howlgalkaan la sameeyay uu ahaa mid lagu xaqiijiyay amniga, isla markaana looga hortegayay falalka amni darro iyo maandooriyaha Khamriga.

Taliyeyaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa bulshada Magaalada Gaalkacyo ugu baaqay inay Ciidamada kala shaqeeyaan ka hortega arrimaha amniga lid ku ah iyo kuwa ka ganacsada maandooriyaha Khamriga ama isticmaala.

Gaalkacyo ayaa waxaa horey dhowr jeer looga sameeyay howlgalo kala duwan oo lagu soo qab-qabtay dad farabadan oo looga shakiyay inay xiriir la leeyihiin Al-shabaab, waxaana xusid in halkaas ay ka dhaceen weeraro iyo dilal qorsheysan.