Wafdi uu hoggaaminayo madaxwaynaha deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar ayaa maanta lagu wadaa inuu gaaro magaalada Berbera, iyagoona ka soo ambabaxay magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida
Mustafa Cagjar ayaa waxaa uu ka qeyb-gali doonaa xarig jarka Dekadda Magaalada Berbera oo dib u casriyayn weyn lagu sameeyay.
Wasiirka maaliyadda deegaanka Soomaalida Mubashir Dubbad Raage oo kamid ah Wafdiga Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegay in wafdigba madaxweynaha ay ka soo ambabaxeen magaalada Jigjiga, islamarkaana ay ku wajahan yihiin Magaalada Barbara.
“Waxaan u ambabaxnay, Bar bara oo aan maanta ka qayb qaadanayno xaflada furitaanka dakada Bar bera, oo kamida mashruuca horumarineed ee loo yaqaan Kadinka Barbara. Waxay wax badan ka badalay saa xidhiidh ka soo jireenka, walaal tinimo, dhaqaale iyo bulsho re deegaanka Somaalida iyo Somaliland”.
Madaxweynaha Soomaaliland ayaa xalay waxaa uu gaaray Magaalada Barbara, waxaana la filayaa in xarig jarka ay ka qeyb galaan masuuliyiin isugu jira Soomaali iyo Ajaanib.
Ammaanka magaalada Barbara ayaa maanta si weyn loo adkeeyay, iyadoona ciidamo badan la dhigay wadooyinka gala magaaladaasi.