Weerar Khasaaro Dhaliyey Oo Lagu Qaaday Gaadiid Ay Wateen Ciidamo Kenyaati

0

Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan Milateriga iyo kuwa Booliska dowladda Kenya ayaa lagu qaaday weerar xoogan oo ka dhacay deegaan hoostega Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalkaas.

Weerarka oo ahaa mid dhabba-gal ah ayaa waxaa Kolonyada Ciidamada Kenya ku qaaday xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab, xili ay socdaal ku marayeen deegaanka Buulo Laban ee duleedka Ceelqaaloow.

Al-shabaab oo ka hadashay weerarka ayaa sheegtay in Ciidanka Milateriga iyo kuwa Booliska Kenya weerarka looga dilay Askar, halka kuwo kalena ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaasi oo loola cararay Xarun Caafimaad.

Sidoo kale Shabaabka ayaa waxaa ay intaas kusii dareen in weerarka lagu gubay gaari nooca xamuul ah oo u rarnaa ciidamada oo ku socdaalayay wadada deegaanka Buulo Laban ee duleedka Ceelqaaloow ee Magaalada Mandheera.

Dowladda Kenya ayaan weli ka hadlin weerarkii dhacay, waxaana Al-shabaab ay dhowr jeer sidaan oo weeraro isugu jiray Qaraxyo iyo mid toos ah ku qaadeen Ciidanka Kenya iyo Saldhigyo ay leeyihiin, kuwaasi oo qaarkood geystay khasaaro kala duwan