Madaxweynaha Iiraan o ka hadlay doorashada madaxweynenimo ee dalkiisa

0

Madaxweynaha Iiraan Xasan Ruuxaani ayaa maanta oo Sabti ah ku dhawaaqay in wareegii koowaad ee doorashadii la qabtay Jimcihii shalay ay horseeday doorashada madaxweyne cusub oo ay yeshaan Dadka Iiraan, laba murashax oo ka mid ah Xisbiga muxaafidka ayaa u hambalyeeyay Musharax Ibraahim Ra’iisi ka hor inta aan la shaacin natiijada rasmiga ah ee doorashada.

“Waxaan ugu hambalyeynayaa guud ahaan dalka hanaanka ay u socoto doorshada, waxaan si rasmi ah ugu hanbalyeeyn doonaa  madaxweynaha la doortay marka aan ogaado natiijada kama danbeysta ah, laakiin waxaan ognahay inay jiraan codad dhiman oo qeyb ka ah natiija” ayuu Ruuxani ku yiri khudbad laga sii daayay Telefishanka Qaranka Iiraan.

Tallaabadan ayaa timid iyadoo ay jiraan warar is khilaafsan oo ku saabsan boqolleyda codbixiyaasha ka qeyb qaatay doorashada, halka warbaahintana ay sheegeyso in guusha ay u badantahay musharaxa Ibraahim Ra’iisi.

Telefishinka Dowladda Iiraan ayaa dhawaan shaaciyay in la xiray inta badan goobaha codbixinta ee ay ka socdeen codeynta doorashada madaxweynaha, halka xarumaha qaarna waqtiga codbixinta ay ku kordhiyeen muddo labo saacadood ah.

Afar ka mid ah Toddobadii musharrax ee ka soo baxay Golaha Ilaalinta Dastuurka ayaa ka haray tartanka, maaddaama Golaha ay la kulmeen dhaleeceyn, taasoo dhalisay walaac ku saabsan doorashada madaxtinimada ee dalkaasi Ka socoto.