Madaxweyne Farmaajo oo u Hanbalyeeyay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay

0

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, ayaa dhambaal hambalyo ah u diray xoghayaha guud ee Qaramada midoobay Antonio guterres, oo markii labaad dib loogu doortay inuu noqdo xoghayaha guud ee qaramada midoobay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dawladda Soomaliya soo dhowaynayso in markale  Antonio guterres uu noqdo xoghayaha guud ee qaramada midoobay, sidoo kalana ay dawladdu si hagar la’aan ah u taageeri doonto.

Antonio guterres,  ayaa xilka xoghayaha guud ee qaramada midoobay kala wareegay Ban Ki-moon bishii January  ee sanadkii 2017.

Antonio guterres oo 72-sano jir ah ayaa noqonayo xoghayahii Sagalaad ee Qaramada Midoobay ay yeelato tan iyo markii la unkay.