Dowladaha Soomaaliya iyo Azerbaijan oo ka wada hadlay arimo muhiim u ah labada dal

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa magaalada Antalya uga qeybgalay shirka caalamiga ah ee Diblamaasiyadda oo maalinnimadii shalay aheyd ka furmay dalkaasi.

Shirka ayaa waxaa ka qeybgalay sannadkan ilaa 12 madaxweyne, 43 wasiirro arrimo dibaddeed,sido kale waxaa ka qeybgalay afar mudane oo hore usoo noqday madaxweynayaal iyo wakiilo ka socday hay’ado iyo ururo calami ah.

Shirka oo socon doona muddo laba maalin ah ayaa sannadkan hal ku dhigiisa yahay “Dibloomaasiyadda Cusub iyo isku soo dhawaanshiyaha”

Wasiirka Arimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq,  ayaa kaqeyb galay dood cilmiyeed kusaabsan iskaashiga Afrika iyo wax wada qabsiga labada dhinac, isaga oo muujiyay soo dhaweynta Soomaaliya ee maalgashiga iyo iskaashiga ballaaran.

Wasiirku wuxuu wadahadallo laba geesood ah la yeeshay dhiggiisa Azerbaijan, Mudane Jeyhun Bayramov, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada badan ee ay ka wada faa’iideysanayaan labada dal.

Xilli cusub ayaa u billowday xiriirka Soomaaliya iyo Azerbaijan, iyadoo safiirka Soomaaliya, Jaamac Cabdullaahi Maxamed, uu warqadaha aqoonsiga danjiranimo ugu gudbiyay Azerb.